Caanaha Geela oo Laga Helay Faa’iidooyin Cajiib ah oo Caafimaadka U Wanaagsan!
Caanaha geela waxay hodan ku yihiin nafaqooyin sare, waxay caawiyaan xakameynta sonkorta dhiigga, difaaca jirka, maskaxda, iyo caafimaadka guud. Akhri faa’iidooyinka cajiibka ah ee caanaha geela!

Brussels (Daawada) – Faa’iidooyinka Caanaha Geela Oo Marba Marka Ka Dambeysa Lasii Ogaanyo Kuwo Kale
Caanaha geelu waa cabitaan qadiimi ah oo qarniyo badan laga isticmaali jiray dalalka Muslimiinta, gaar ahaan Soomaaliya, Carabta, iyo Afrika. Waxa ay caan ku yihiin nafaqooyin sare oo wax weyn u tara caafimaadka. Cilmi-baarisyo badan ayaa muujinaya in caanaha geela ay ka caafimaad badan yihiin caanaha lo’da, iyadoo ay ka buuxaan maaddooyin ka hortaga cudurrada, xoojiyo difaaca jirka, una roon dheefshiidka.
Faa’iidooyinka Caanaha Geela
1. Xoojinta Difaaca Jirka
Caanaha geela waxay hodan ku yihiin lactoferrin iyo immunoglobulins, kuwaas oo jirka ka caawiya inuu iska difaaco cudurrada. Waxay si gaar ah u caawiyaan dadka qaba xasaasiyadda caanaha lo’da.
2. Ka Hortagga Sonkorta (Diabetes-ka)
Caanaha geelu waxay leeyihiin insulin-like proteins, taasoo caawisa xakamaynta heerka sonkorta dhiigga. Cilmi-baarisyo ayaa muujiyey in dad qaba sonkorowga nooca 1-aad iyo 2-aad ay heleen faa’iido weyn kadib markay cabeen caanaha geela.
3. Faa’iido u leh Maskaxda iyo Xasuusta
Waxay ka caawiyaan dadka qaba autism-ka iyo xanuunnada neerfaha. Cilmi-baarisyo la sameeyey ayaa muujiyey in carruurta qaba autism ay caanahani hagaajiyaan is-dhexgalka bulsho iyo dareenkooda.
4. Xoojinta Lafaha iyo Murqaha
Waxay leeyihiin kalsiyum badan, taasoo muhiim u ah lafaha iyo murqaha. Waxay aad ugu fiican yihiin carruurta koraysa iyo waayeelka, si looga hortago lafo-jileec.
5. Dheefshiidka iyo Xanuunada Caloosha
Caanaha geelu waa prebiotic, taasoo caawisa kobcinta bakteeriyada faa’iidada leh ee mindhicirka. Waxay yareeyaan xanuunka caloosha iyo dheefshiidka daciifa.
6. Waxay Leeyihiin Saliid Fiican oo Aan Dhiig-karka Kordhin
Caanaha geelu waxay leeyihiin fats aan waxyeello lahayn, sida omega-3 fatty acids, taasoo u roon wadnaha, hoos u dhigta kolestaroolka, islamarkaana ka hortagta dhiig-karka.
Sidee Loo Cabbaa Caanaha Geela?
-
Waxaa lagu cabi karaa si dabiici ah, iyadoon wax lagu darin.
-
Waxaa loo isticmaali karaa in laga sameeyo caano fadhi
-
Waxaa muhiim ah in la hubiyo inay yihiin kuwo nadiif ah si looga fogaado caabuqyada laga qaadi karo caanaha aan la karin.
Gunaanad
Caanaha geelu waa cabitaan nafaqo badan leh, waxaana cilmi-baarisyo badan oo cusubi caddeeyeen in ay faa’iidooyin u leeyihiin difaaca jirka, maskaxda, sonkorta, iyo wadnaha. Waa doorasho dabiici ah oo caafimaad leh, gaar ahaan dadka qaba xanuuno la xiriira cholestrol, dhiig kar, autism, lafo jileec ama sonkorowga.
What's Your Reaction?






