Fahamka Xanuunka Depression (MDD): Sababaha, Calaamadaha, iyo Sida Loo Baaro
Murugada ba’an (Depression) waa xanuun dhimir oo saameeya nolosha qofka. Maqaalkani wuxuu sharaxayaa sababaha, calaamadaha, iyo sida loo baaro, sidoo kale daawooyinka dabiiciga ah ee waxtarka leh.

LONDON (Daawada) - Murugada ba'an (Major Depressive Disorder - MDD) waa xanuun maskaxeed daran oo saameeya nolosha qofka dhinacyo badan, sida dareenka, fikirka, iyo dhaqanka. Waa mid ka mid ah cudurrada maskaxda ee ugu caansan adduunka, waxaana ay si gaar ah u saameysaa bulshooyinka qurbaha ku nool, oo ay ka mid yihiin Soomaalida.
Maxay tahay Depression (MDD)?
Depression waa xanuun sababa murugo daran iyo niyad-jab joogto ah oo socon kara bilo ama sanado. Qofka qaba xanuunkan wuxuu dareemi karaa niyad-xumo, rajo-xumo, iyo xiiso la'aan ku timaadda nolol maalmeedkiisa. Wuxuu kaloo saameyn ku yeelan karaa caafimaadka jidhka, sida xanuunada wadnaha iyo difaaca jirka oo daciifa.
Maxay tahay sababta Depression uga dhici karto dadka Soomaaliyeed?
Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool, waxay la kulmaan xaalado nololeed oo adag oo sababi kara niyad-jabka. Waxaa ka mid ah:
- Kala fogaanshaha qoyska iyo bulshadeenna dhaqanka ku dhisan
- Cadaadiska la xiriira la qabsiga nolol cusub
- Shaqo la'aanta iyo xasilooni darada dhaqaale
- Xanuunada dhimirka oo aan si dhab ah loo aqoonsanayn bulshada dhexdeeda
- Xusuus xanuun badan oo la xiriirta colaadaha iyo dhibaatooyinkii la soo maray
Calaamadaha Depression
Depression wuxuu leeyahay calaamado kala duwan, oo ay ka mid yihiin:
- Niyad-jab joogto ah
- Hurdo xumo ama hurdo badan
- Rabitaanka cuntada oo is beddela
- Daal badan iyo tamar yari
- Xiiso la’aan waxyaabihii qofku horay u xiiseyn jiray
- Isagoo dareemaya wax tar la’aan ama danbi
- Fikirka dhimashada ama is-dilka
Sidee loo baaraa Depression?
Haddii aad ka shakisan tahay inaad qabto Depression, waa inaad la xiriirtaa dhakhtar cilminafsi ama dhakhtar guud. Baaritaanka waxaa ka mid noqon kara:
- Waraysi cilmi-nafsiyeed – Dhakhtarku wuxuu weydiin doonaa su'aalo la xiriira sida aad dareemayso, fekerkaaga, iyo caadooyinkaaga nololeed.
- Foomamka Qiimaynta Depression-ka – Waxaa jira su’aalo gaar ah oo laguu keenayo si loo fahmo heerka murugadaada.
- Baadhitaanka Dhiigga – Waxaa lagu eegi karaa haddii jirkaagu leeyahay dhibaatooyin caafimaad oo keeni kara niyad-jabka, sida hoormoonnada thyroid-ka oo aan hagaagsanayn.
- Baadhitaanno kale – Haddii aad horey u samaysay baaritaan dhiig guud (general check-up), Depression kuma cadaan karto, waayo waa xanuun dhimir, balse hoormoonnada, fiitamiin D, iyo heerka ferritin (birta dhiigga) waa in si gaar ah loo eego.
Maxaad dhakhtarka u sheegi kartaa?
Markaad dhakhtarka aadeyso, waxaad odhan kartaa:
- "Waxaan dareemayaa murugo joogto ah oo muddo badan socotay."
- "Maalin kasta tamar yari ayaan dareemaa, waxba ima xiise geliyaan."
- "Waxaan dareemayaa walwal aan caadi ahayn, hurdo xumo, ama hurdo badan."
- "Mararka qaar waxaan ka fikiraa nolosha oo dhan inay macno la’aan tahay."
Dhakhtarku wuxuu markaa qiimeyn doonaa xaaladaada oo laga yaabo inuu kuu qoro daawooyin ama kuu diro cilmi-nafsiga.
Ma jiraan daawooyin dabiici ah oo waxtar leh?
Waxaa jira daawooyin dabiici ah oo kaa caawin kara Depression-ka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
- 5-HTP – Waa amino acid si dabiici ah u kordhiya heerka serotonin-ka maskaxda.
- Omega-3 – Dufanka muhiimka ah ee laga helo kalluunka wuxuu ka caawiyaa maskaxda xasiloonida dareenka.
- Vitamin D – Qof kasta oo ku nool dalalka qabow waa inuu hubiyaa heerka fiitamiin D-ga, maxaa yeelay heerkiisa oo hooseeya wuxuu sababaa murugo iyo niyad-jab.
- Ashwagandha – Geed dabiici ah oo caawiya xakameynta walbahaarka iyo walwalka xad-dhaafka ah.
- Saffron – Dhir dabiici ah oo la ogyahay inay waxtar u leedahay xanuunka Depression-ka.
Gabagabo
Depression waa xanuun dhimir oo halis ah, laakiin waa la daaweyn karaa. Soomaalida badankood wali ma aqoonsana xanuunada dhimirka si dhab ah, taasoo keenta in dad badan aysan caawimo raadsan. Haddii aad dareemayso calaamadaha Depression-ka, ha ka xishoon inaad dhakhtar la xiriirto.
What's Your Reaction?






