Daawooyinka Dabiiciga ah ee Lagu Daweeyo Macaanka (Diabetes)

Wax ka baro daawooyinka dabiiciga ah ee lagu yareeyo sonkorta dhiigga, sida Berberine, Ceylon Cinnamon, iyo Fenugreek. Hel xulashooyin dabiici ah oo beddel u noqon kara dawooyinka kiimikada ah.

Mar 24, 2025 - 23:54
 0  11
Daawooyinka Dabiiciga ah ee Lagu Daweeyo Macaanka (Diabetes)

London (Daawada.com) Daawooyinka Dabiiciga ah ee Lagu Daweeyo Macaanka (Diabetes)

Hordhac

Dawooyinka dabiiciga ah waa dhir, xididdo, miro, iyo walxo kale oo ka yimaada dabiiciga, kuwaas oo la og yahay inay wax ka taraan caafimaadka. Waxa ay faa’iido u leeyihiin jidhka iyagoo aan lahayn waxyeelo la mid ah tan dawooyinka kiimikada ah ee farmashiyaha laga iibsado. Inkastoo dawooyinka warshaduhu ay si degdeg ah u shaqeeyaan, dawooyinka dabiiciga ahi waxa ay si tartiib ah u hagaajiyaan caafimaadka qofka, iyagoo yareeya halista cudurrada mustaqbalka ama (Side Effects)

Macaanka (Diabetes) waa cudur caalami ah oo aan si tafatiran u sharaxnay qormadan. Dad badan oo qaba macaanka waxay isticmaalaan dawooyinka farmashiyaha, balse waxaa jira dhir dabiici ah oo lagula tacaali karo, lagana hortagi karo.

Qofkii ay qoyskiisa ku badan yihiin cudurkan ama dareema khatar ah inuu u nugulyahay waa inuu horay uga shaqeeyo caafimaadkiisa, waayo mar haddii macaanka uu keeno dhaawac daran, way adag tahay in la bogsiiyo. Ilaahay wuxuu yiri: "Xanuun kasta dawo ayaan u abuurnay"—taas micnaheedu waa in aynu cilmi u yeelano dhirta iyo waxyaabaha dabiiciga ah ee caafimaadka naga caawin kara.

Haddaba, aan eegno daawooyinka dabiiciga ah ee la xaqiijiyey inay caawiyaan dadka qaba macaanka, iyo kuwa aan awoodin inay iibsadaan dhirtan warshadaysan ee laga helo reer galbeedka.


1. Berberine (NOW Foods Berberine)

Berberine

Waa maxay Berberine? Berberine waa maaddo laga helo dhirta qaarkood sida Berberis aristata iyo Coptis chinensis. Waa polyphenol awood badan leh oo cilmi ahaan la xaqiijiyey inuu yareeyo heerarka sonkorta dhiigga.

Sida uu macaanka u caawiyo:

  • Wuxuu hagaajiyaa shaqada insulin-ka, wuxuuna caawiyaa in unugyada jidhku si wanaagsan u qaataan sonkorta.
  • Wuxuu yareeyaa caabbinta insulin-ka, taasoo muhiim u ah dadka qaba macaanka nooca 2-aad.
  • Wuxuu hoos u dhigaa baruurta beerka, taasoo faa'iido u leh dadka qaba dufanka beerka (fatty liver).
  • Wuxuu sidoo kale hoos u dhigi karaa bararka (inflammation) jidhka.

Beddel Dabiici ah: Dhirta laga helo Berberine waxaa ka mid ah Berberis aristata oo la isticmaali karo haddii laga heli karo Soomaaliya, ama dhir kale oo leh sifo la mid ah.


2. Ceylon Cinnamon (Organic Ceylon Cinnamon)

Ceylon Cinnamon

Waa maxay Ceylon Cinnamon? Cinnamon waa geed laga helo dalalka kulul sida Sri Lanka iyo India. Waxaa jira labo nooc: Cassia Cinnamon iyo Ceylon Cinnamon. Nooca Ceylon waa midka ugu caafimaadka badan, waayo kuma jiro coumarin badan, oo haddii si xad-dhaaf ah loo isticmaalo waxyeello u keeni kara beerka.

Sida uu macaanka u caawiyo:

  • Wuxuu caawiyaa in unugyada jidhku si fiican uga faa'iidaystaan insulin-ka.
  • Wuxuu hoos u dhigaa heerarka sonkorta dhiigga, khaasatan kadib cunista cuntada.
  • Wuxuu ka hortagaa bararka (inflammation) oo ah mid sababa xanuunada daba-dheeraada sida macaanka iyo xanuunka wadnaha.

Beddel Dabiici ah: Haddii Ceylon Cinnamon la waayo, waxaa la isticmaali karaa* Qorfe (Cassia Cinnamon)* oo aad looga heli karo Soomaaliya, inkastoo ay tahay in aan la isticmaalin si xad-dhaaf ah.


3. Fenugreek (Nature's Way Fenugreek Seed)

Fenugreek

Waa maxay Fenugreek? Fenugreek (Xulbo/Xulbad) waa geed asal ahaan ka soo jeeda Mediterranean-ka, India, iyo Waqooyiga Afrika. Waa geed leh dhadhan u eg maple syrup oo leh faa’iidooyin badan.

Sida uu macaanka u caawiyo:

  • Wuxuu yareeyaa heerka sonkorta dhiigga.
  • Wuxuu xoojiyaa dheefshiidka, gaar ahaan habka jirku u qaabilo sonkorta.
  • Wuxuu hoos u dhigaa kolestaroolka xun (LDL) wuxuuna kordhiyaa kolestaroolka fiican (HDL).

Beddel Dabiici ah: Haddii la waayo kiniinada Fenugreek, waxaa la isticmaali karaa Xulbad dabiici ah oo laga heli karo Soomaaliya, maadaama uu yahay isla geedkaas oo aan waxba laga beddelin.


Gunaanad

Daawooyinka dabiiciga ah ee macaanka waa kuwo si tartiib ah u hagaajiya caafimaadka qofka iyagoo aan keenin waxyeellooyin halis ah sida dawooyinka kiimikada ah. Qofka ka baqaya inuu mustaqbalka la kulmo xanuunkan, ama qaba nooca 2-aad ee macaanka, wuxuu isticmaali karaa dhirahan dabiiciga ah si uu u hagaajiyo shaqada insulin-ka, hoosna ugu dhigo sonkorta dhiigga.

Sababta aan IHerb ugu xulannay waa in tayada kiniinadeedu aad u sarreyso. Suuqyada caalamka iyo shabakadaha kale ee caanka ah, waxaa laga helaa kiniino tayadoodu hooseyso oo mararka qaar xitaa waxyeello u keeni kara kelyaha. Waxaa la xaqiijiyey in qaar kamid ah dawooyinka tayadoodu liidato ay keeni karaan dhagax kelyaha, sumayn jirka ah, iyo xitaa dhibaatooyin mustaqbalka fog ah. Laakiin IHerb waxay leedahay nidaam tayo leh oo hubinaya in alaabteedu noqoto kuwa la isku halleyn karo.

Marka aad dooranayso daawo dabiici ah, waxaa jira laba doorasho:

  1. Kiniinada aan soo xulnay – Waa la sifeeyey, xadigoodana waa la hagaajiyey si loo hubiyo in uu qofku helo qiyaasta saxda ah. Kiniinadaas waxaa sameeya shirkado waaweyn oo cilmi ahaan u baaray in maadadu shaqeyneyso.

  2. Geedka toos loo isticmaalo – Wuxuu ku fiican yahay dadka helaya geedka oo tayadiisu wanaagsan tahay, laakiin mararka qaar waxaa adkaan karta in la helo xaddi sax ah, lana ogaado inta ay tahay in laga isticmaalo. Geedka dabiiciga ah waa doorasho fiican, balse waxaa jira khatar ah in uu yeesho wasakhnimo dabiici ah ama xaddi aan la xakameyn karin.

Sidaas darteed, haddii aad joogto meel aadan ka iibsan karin kiniinada dabiiciga ah ee aan tayadooda hubinay, waxaad isticmaali kartaa geedaha la midka ah ee laga heli karo Soomaaliya


What's Your Reaction?

Like Like 2
Dislike Dislike 0
Love Love 2
Funny Funny 0
Angry Angry 0
Sad Sad 0
Wow Wow 2